Kumanaan qof oo socod ku maraya Durban

Kumanaan qof ayaa socod ku maraya magaalada bariga Koonfur Afrika ee Durban iyagoo ka cabanaya rabshadaha looga horjeeda shisheeyaha.

Ugu yaraan shan ruux ayaa lagu dilay ilaa todobaadkii tagay weeraro lagu qaaday shisheeyaha oo lagu eedeeyay inay qaateen shaqooyinka dadka deegaanka.

Cabsida rabshadaha ayaa baaheysa. Meelaha u dhaw Johannesburge ayey dukaanleyda Soomaalida, Itoobiyaanka iyo kuwa dalalka kale ee Afrika ay xireen ganacsigooda iyagoo bililiqo ka baqaya.

Madaxweyne Jacob Zuma ayaa dhaleeceeyay rabshadaha, waxaana la filayaa inuu barlaamanka ka hadlo.