Koonfur Afrika: Ganacsatada oo kulantay

Lahaanshaha sawirka AFP

Wadahadalo dheeri ah ayey xalay yeesheen ganacsatada shisheeyaha ee Koonfur Afrika deggan iyadoo ay jiraan tallaabooyin ammaanka ah oo la adkeeyay.

Booliska ayaa adeegsaday sunta dadka ka ilmeysiisa iyo xabadaha cinjirka si ay u kala eryaan isu soo bax ka dhacay bariga Johannesburg halkaasi oo gaari iyo dhismo dab la qabadsiiyay.

Afhayeen ayaa u sheegay BBC-da in ku dhawaad labo boqol oo shisheeye ah ay galeen saldhig boolis oo deegaanka ah saacadihii hore balse kaddib ay ka tageen.

Booliska ayaa sameeyay xarumo 24 saac howlgala si ay uga jawaabaan xasilooni daro dheeri ah.

Rabshadaha ayaa ka dambeeyay weeraro isxigay oo shisheeye naceb ahaa kuwaasi oo ugu yaraan shan ruux lagu dilay.

Wariyaha BBC-da ayaa sheegaya in Koonfur Afrikan badan ay wajigabax ku noqotay weerarada lagu qaaday saaxiibadooda Afrikan ah.