Dooda doorashada Britain oo la qabtay

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Doorashada Britain ayaa bisha soo socota la qabanayaa

Hogaamiyayaasha axsaabta mucaaradka Britain ayaa waxa ay ka qeybgaleen dood sitoos ah TV-yada looga siideynaayay oo ku saabsan doorashooyiinka guud.

Ra’iisul wasaare David Cameron iyo hogaamiyaha xisbiyada uu isbeheysiga la yahay, Nick Clegg, kameysan qeybgalin dooda.

Waxa islamarkiiba lasoo bandhigay waxa ahayd maqnaashiyaha David Cameron, kaas oo jecleystay inuusan ka qeybgalin, layaabna maysan noqonin in masraxa ay ku weeraraan mucaaradka.

Sikastaba, ninka sida weyn ugu guuleystay dooda waxa uu ahaa hogaamiyaha xisbiga shaqaalaha ee Ed Miliband, kaas oo ahaa qofka keli ah ee soo bandhigay inay suuragal tahay inuu noqdo ra’iisul wasaaraha.

Sidoo kale waxaa bandhig wanaagsan sameeyay, hogaamiyaha xisbiga qaran ee Scottish-ka Nicola Sturgeon.

Waxa caadiga ka ahaa dooda waxa ayahyd in si wadajir ah ay u eedeeyeen dowladda maamulka haysa, waxaana laga yaabaa in dadka qaar ay dhinac iska dhigi doonaan fikradda qaar ka mid ah mucaaradka dooda ka qeybgalay oo masraxa dushiisa ku sameystay isbeheysi ka dhan ah xisbiga midigta ee aan laga guuleysan karin.