Xus baroordiiq ah oo Jermalka ka dhacay

Waxaa magaalada Cologne, ee waddanka Jarmalka munaasabad baroor diiq ah loogu sameeyay dadkii ku dhintay diyaaradii Germanwings ee ku burburtay buuraha Faransiiska.

Dad ay tiradoodu gaarayso 1400 oo qof ayaa isugu soo baxay kaniisadda ugu weyn magaalada, waxaana ka mid ahaa hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel, Madaxweyne Joachim Gauck, iyo wakiilo ka socday dowladaha Faransiiska iyo Spain.

Minbarka kaniisadda ayaa waxaa lagu sharxay 150 shumacyo cadcad, oo lagu maamuusayo dadkii ku dhintay diyaaradda oo uu ku jiray duuliyihii labaad ee diyaaradda Andreas Lubitz, kaasi oo dacwad oogayaasha ay rumaysan yihiin in uu si ula kac ah ugu burburiyay diyaaradda buuraha Alps ee dalka Faransiiska.