Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ololaha ka dhanka ah Jaadka Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa maalmahaan ka socda olole ka dhan ah cunista qaadka. Ololahaas waxaa hormuud ka ah Abuukar Cawaale oo ku magac dheer Qaad-diid, oo ololahiisa ka soo bilaabay dalka dibaddiisa.

Abuukar waxa uu horey u soo maray magaalooyin kale oo Soomaaliya kamid ah isagoo wada fariintiisa ah jooji qaadka.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxammed Aadan ayaa waraystay Abuukar Qaad Diid, waxa uuna marka hore weydiiyay halka ololihiisu marayo.