Isbitaalada Yemen oo dawooyinkii ay ka dhamaaden

Lahaanshaha sawirka video
Image caption Dhaawaca rabshadaha Yemen

Isbitaallada Magaalada Cadan ayaa waxaa ka sii dhamaanaya dawooyinka muhiimka ah, ayadoo dagaalka u dhaxeeya ciidanka dawladda oo ay taageerayaan xulafada Sacuudigu horseedka ka yahay iyo fallaagada shiicada ee Xuutiyiinta uu sii soconayo.

Wariye BBC ka tirsan oo magaalada booqday ayaa loo sheegay in dad bukaan ah ay geeriyoonayaan bacdamaa aan si haboon loo dabiibi karin.

Kooxaha caafimaadka ayaa waxaa ka tan badiyey tiro badan oo ah bukaanno isbitaallada la soo dhigay, waxayna codsanayaan in la soo biiriyo dawooyinka antibiotics iyo faashado.

Hogaamiyaha fallaagada ayaa ku eedeeyey Sacuudiga inuu doonayo inuu qabsado oo uu ku jiro dalka.