Go'aammada ka soo baxay shirkii qaxootiga

Lahaanshaha sawirka AFP

Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya waxaa lagu soo gabogabeeyay shir saddex geesood ah oo ay yeesheen, dawladda Soomaaliya, Kenya iyo hay'adda qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR.

Dhanka Soomaaliya madaxda uga qaybgashay shirka waxaa ka mid ahaa wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye, waxa uuna BBC-da u sheegay in waxyaabaha la isku afgartay ay ka mid yihiin in la sii dardar galiyo heshiiskii horay loo gaaray ee saddex geesoodka ahaa.

waxa uu intaas ku daray in qaxootiga loo celin doono si waafaqsan qawaaniinta caalamiga ah ee Qaxootiga.

waxa uu ku celiyay in Kenya aysan la soo hadal qaadin wax muddo ama wakhti ah

Wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Aamina Maxamad waxa ay sheegtay in rasmi laga dhigay gudigii horay loo dhisay isla markaasna ay hawshooda bilaabidoonaan