11 qof oo ku dhimatay qaraxii muqdisho

Lahaanshaha sawirka AP

Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhimatay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu qarxiyay makhaayad ku taala tabartamaha magaalada Muqdisho, dad badan oo kale ayaa ku dhaawacmay isla qaraxaasi

gurmadka dagdaga ah ayaa isla markiiba goobtaasi gaaray waxaana dhaawaca loo qaaday isbitaalada

wariyaha BBC-da ee Muqdisho ayaa la socda xaaladda wixii faahfaahi ahna waxaan idinkula wadaagi doonaa halkan iyo idaacaddaheena soo socda.