Wakhtiga Doorashada Somaliland oo lagu dhawaaqay

Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka somaliland Cabdilqaadir iimaan ayaa maanta shir jaraa'id oo uu ku qabtay xafiiskooda magaalada Hargeysa wuxuu ku dhawaaqay in doorashada madaxtooyada iyo golaha wakiilada somaliland ay ka dhici doonto somaliland 1da june 2016 . waxay ahayd in ay doorashadu dhacdo 26 june ee sanadkan 2015.

labada xisbi ee mucaaradka ahaa ee Somaliland ee WADDANI iyo UCID ayaa soo dhoweeyay dib u dhaca xagga farsamada oo ay sheegeen in uu ku yimid qabasha doorashada . hase yeeshee waxay ka digeen in golaha guurtidu uu kordhisto xukuumadda hadda jirta sanad wax ka badan.