Iran oo soo dhaweeysay joojinta duqeeymaha Sacuudiga ee Yeman

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Nin shacabka kamiid ah oo ay waxyeelo kaaso gartaay duqeymaha.

Dalka Iran ayaa ku tilmaamay go'aanka Sacuudiga uu ku joojiyay duqeymaha ka dhanka ah xuutiyiinta Yemen in ay tahay hormaar wanagsaan.

Wasiirka arrimaha Dibedda ee Iran Maxammed Javad Zarif ayaa ku baaqay in wadahadaala deg-deg ah la furo, gargaar bini'aadanimana la gaarsiiyo dalka Yemen.

Afhayeen u hadlay xulafada Sacuudiga uu hogaminayo ayaa sheegay in ay diiradda saari donaan siidi loo heli lahaa xal siyaasadeed oo dhibaatada ka jirta Yemen lagu soo afjaro, balse waxa uu sheegay in meesha aan laga saari doonin in xoog milatari la adeegsado haddii loo baahdo.