Madaxda amniga Garissa oo shaqada laga joojiyay

Garissa Lahaanshaha sawirka
Image caption Waxaa soo baxay warar sheegaya in laga yaabo in boliiska Garissa ay ka war haayeen weerarka Garissa.

Dowladda dalka Kenya ayaa waxa ay shaqada ka joojisay shan sarkaal iyo laba maamulo oo ka tirsan laanta booliska.

Arrintan ayaa daba socota weerarkii Gaarisa ka dhacay oo ay ku dhinteen 148-qof.

Saraakiishaasi laga joojiyay shaqada waxaa ka mid ah gudoomiyaha Degaanka Garissa, Njenga Miiri oo markii hore madax ka ahaa deegmada Lamu, ee gobalka xeebta oo ah meel ay horay kooxda Al-Shaabab oo ay ku ku dileen 60 qof.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in saraakiishaasi ay suura gal tahay in ay ka warqabeen weerarrada dhici karay balse ay ku guul daraysteen in ay ka hortagaan.