Kumanaan ka cararay Burundi

Hay'adda qaxootiga Qaramada Midoobay ayaa sheegeysa in ku dhawaad 12kun ay ka carareen Burundi in ka yar labo todobaad, iyadoo ay jirto cabsida rabshadaha doorashooyinka

Qaxootiga ayaa soo wariyay cadaadis iyo in la waayay xubno ka tirsan qoysas lala xiriirinayo mucaaradka.

Badi waxay ka gudbeen xadka Rwanda, halka tiro yarna ay galeen Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay kuwa cararay in ay inay ka hadleen xoog ku askareyn ay sameynayaan kooxda dhalinyarada taageersan dowladda. Doorashada ayaa la filayaa in la qabto bisha soo socota