Rwanda: Dacwadii ugu dambeysay

Maxkamadda caalamiga dambiyada ee Rwanda ayaa qabatay dhageysigii ugu dambeeyay ee dambiyadii la galay intii uu socday xasuuqii 1994tii.

Maxkamadda Qaramada Midoobay oo ku taala magaaada Aursha ee Tanzania ayaa bilowday shaqada sanad kaddib, iyadoo lugtii ay ku lahaayeen rabshadihii galaaftay nolosha dhowr kun ku soo oogtay dambiyo 93 ruux.

Wasiirkii hore ee haweenka Rwanda, Pauline Nyiramasuhuko,ayaa aheyd eedeysanihii ugu dambeyay ee ka muuqata maxkamadda iyadoo racfaan qaadatay.

Sanadkii 2011kii ayey aheyd haweeneydii ugu horeysay ay ku heshay maxkamadda caalamiga dambi xasuuq iyo dhiirogelin kufsi.