Somaliland oo ciidamo u dirtay Taleex

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland, Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse, oo maanta xafiiskiisa saxaafadda kula hadlay ayaa caddeeyay in cutubyo ka tirsan ciidamada Somaliland gaadheen magaalada Taleex ee gobolka sool.

Wuxuu sheegay wasiirku in ciidamaddaasi u tageen Taleex si ay u kala dhex galaan ciidan beeleedyada ku dagaallamayay degmada Taleex maalmahanba, iyagoo buu yidhi ciidanku markiiba kala durkiyay debleydii ku dirirayay halkaasi.

Wasiirku wuxuu sheegay in xukuumada Somaliland iyadoo kaashaneysa ergada deegaanka ee uu hogaaminaayo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo jooga Taleex, ay ku dadaaleyso in dagaalka labada beelood ee walaalaha ee soo noqnoqday lagu dhammeeyo wada hadal.