Madaxda EU oo ka shiraya tahriibka

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Calanka midowga Yurub

Hogaamiyeyaasha Midowga Yurub ayaa lagu wadaa in shir deg deg ah ay ku yeeshaan Brussels maanta gelinka dambe, ayagoo ka hadlaya xiisadda dadka muhaajiriinta ee Mediterranean-ka.

Waxaa la filayaa inay ka xaajoodaan tallaabooyin wax looga qabanayo tirada muhaajiriinta naftooda biimeeya si ay Yurub u gaaraan.

Talaabooyinkaas waxaa ku jira codsi uu soo jeediyey ra'iisul wasaaraha Talyaaniga, oo ku saabsan in Milateriga loo igmado inay burburiyaan doomaha ay isticmaalaan dadka wax tahriibiya ka hor inta aysan shiraacan.

Horraantii todobaadkan, in ka badan 800 oo qof ayaa ku dhintay xeebta Liibiya markii ay doontoodii degtay, taasoo ka dhigaysa qiyaasta dadka dhintay sannadkan in ka badan 1,700.

Lahaanshaha sawirka BBC World Service