Liibiya: EU waa in ay na caawisaa

Madaxa maamulka falaagada Liibiya, Khalifa Al-Ghwell, ayaa ku taliyay in Midowga Yurub ay la shaqeeyaan dowladiisa si ay uga kaalmeyso in la joojiyo qulqulka muhaajiriinta Mediterranean-ka.

Al-Ghwel oo maamulkiisa deggan Tripoli aanu caalamku aqoonsaneyn ayaa BBC-da u sheegay in ilaalada xeebaha Liibiya ay horay u joojiyeen dhammaan balse shan boqolkiiba ay yihiin muhaajiriintaasi ayna xireen 17 kun oo kale.

Wuxuu sheegay in Liibiya aysan ku raaceynin Midowga Yurub inay maamulaan biyahooda balse hadii bulshada caalamka ay joojiyeen inay ka eexdaan dowladiisa ay wada xalin karaan dhibaatada.