Xirfadlayaasha oo laga codsaday inay ku noqdaan woqooyi-bari Kenya

Weerarkii Garissa Lahaanshaha sawirka epa
Image caption Weerarro ka dhan ah masiixiyiinta ayaa ka dhacay woqooyi-bari Kenya

Ururka xirfadkayaasha Waqooyi bari Kenya ayaa ugu baaqay dawlad gobleedyada deegaanka in ay ka sahqeeyaan sidii ay ugu dhiiragalin lahaayeen kuwa wax bartay ee gobolkaasi ka soo jeeda inay dib ugu noqdaan.

Arrintan waxay ka dambeeysay markii xirfadlayaal ka yimid qeybaha kale ee Kenya oo u badan dhaqaatiir iyo macalimiin ay isaga baxeen degaannada Garissa, Mandera iyo Wajir.

Bilihii ugu dambeeyay gobolka woqooyi bari waxaa ka dhacay weerarro ka dhan masiixiiyiinta.

Waxaa u dambeeyay weearkii ka dhacay Garissa bishan oo 148 qof ay ku dhinteen.