Malawi: Dukaamada K/Afrikanka oo la xiray

Jawi cabsi ah ayaa ka jiray magaalooyinka ugu waa weyn Malawi, iyadoo dukaamada ay leeyihiin Koonfur Afrikanka la xiray, lana adkeeyay ammaanka.

Kooxaha u ololeeyahay xuquuqda macaamiisha ayaa ku baaqay in la diido alaabta Koonfur Afrika.

Booliska ayaa ilaalo ka ahaa dukaamada Koonfur Afrikaanka ee ku yaal xarunta ganacsiga Blantyre.

John Kapito oo u ololeeya xuquuqda macaamiisha ayaa ka sheegay xarunta Malawi in dukaamadda PEP, Shoprite iyo Game Stores la xiray.

Tiradii ugu horeysay ee Malawyiin ka baxsanaya ajnabi naceyb Koonfur Afrika ayaa habeenkii Iniinta yimid dalka iyadoo qeyb kale oo ka kooban 509 ay talaadadii basas kaga soo baxeen Durban.

Dhalinyaro badan oo reer Malawi ah ayaa Koonfur Afrika u shaqa taga.