Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Muranka dhulka oo ku soo badanaya Somaliland

Magaalada Burco waxaa dhawaan lagu qabtay kulan looga hadlayay dhibaatooyinka ka dhasha muranka dhulalka.

Kulankaasi oo ay ka soo qayb-galeen barasaabyada gobolada iyo toddobo wasiir ayaa intii uu socday ayaa akaadamiyada nabadda iyo horumarka Somaliland waxa ay soo bandhigtay cilmi-baaris ku saabsan muranka dhulalka.

Maxamed Faarax waa agaasimaha akaadamiyada nabadda iyo horumarka Somaliland, waxa uuna cilmi-baaristaasi uga waramay Cabdirisaaq Xaaji Catoosh.