Talyaaniga oo u xiray 18 xagjirnimo

Booliska Talyaaniga ayaa ku dhawaaqay howlgal weyn iyagoo sheegay inay xireen sideed iyo toban ruux oo looga shakiyay inay yihiin xagjiriin ka timid Afganistan iyo Pakistan.

Waxay sheegeen in qaar ka mid ah kuwa laga shakiyay la rumeysan yahay inay ilaalo u ahaayeen hogaamiyihii Al-qaacidda, Osma Bin Laden, halka qaar kalena looga shakiyay inay ku lug lahaayeen weeraro ka dhacay Pakistan uu ku jiro mid ka dhacay suuqa Peshawar.

Qabqabashada ayaa diiradda lagu saaray jasiiradda Talyaaniga ee Sardinia iyadoo gobalada kalena laga sameeyay.

Booliska ayaa sheeegay in kooxda baaristu ku socotay ay xubno ku keeneen Talyaaniga sharci shaqo ama magangalyo. Waxayna qaar kale u direen dalalka kale ee Yurub.