In kabadan 1800 oo ku dhimatay Dhulgariirka Nepal

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Sawirada dhulgariirka Nepal

Kumanaan dad ah oo reer Nepol ah ayaa xalay dibadda ka seexday guryahooda kaddib markii uu dalkaasi ku dhuftay dhul gariir wayn sabtidii kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan kun iyo sideed boqol oo qof, isla markaasna sababay burbur baaxad wayn.

Dadka dagan magaalada Kethmandu waxa ay sheegen in ay aad uga cabsanayaan in ay ku laabtaan guryahooda iyaga oo ka baqaya in dhulgariir kale dhaco.

Dawladda Nepol waxa ay sheegtay in ay filayso in ay waxyeeladu intaas ka sii badandoonto iyada oo gurmadka dagdaga ihi ay wadaan baadhitaanada ay dad uga raadinayaan burburka dhismayaasha dumay. Cimilada oo xun oo dabaylo iyo jac wadata ayayna shaqaalaha gargaarku ka baqayaan in ay wax u dhinto gudbinta kaalmadda dagdaga ah.

Wadamo badan iyo Hay'addaha gargaarka ee caalamaiga ah ayaa kooxo u diraya Nepol si ay ula tacaalaan masiibadaasi.

Wadanka Maraykanka, Shiinaha , Pakistan iyo Midawga Yurub ayaa ka mid ah wadammada ku yaboobahay kaalmada.