18 sano nin qol ku xirnaa oo la badbaadiyay

Saraakiisha Koonfurta Shiinaha ayaa sheegay inay badbaadiyeen nin 34 jir ah oo sideed iyo tobankii sano ee ugu dambeeyay ku qaatay qol yar oo ay ku jirdili jireen dadkii uu u shaqeynayay.

Ninka oo lagu magacaabo Xie Shi-sheng ayaa sheegay in loo keenay warshad sameysa suufka markii uu jiray lix iyo toban. Ilaa markaa kaddib waa la garaaci jiray iyadoo gaajo loogu daray, waxaana lagu qasbay in uu maalinta oo dhan shaqeeyo, waxaana loo diiday inuu cid la xiriiro.

Sawiro laga qaaday ayaa muujinaya nin yar oo caato ah, oo ay ku adag tahay inuu hadlo. Kuwii uu u shaqeynayay ayaa baxsaday.