Boqorka Sacuudiga oo magacaabay dhaxalsuge cusub

Sacuudi Carabiya Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Maxamad Bin Nayef ayaa loo magacaabay dhaxalsugaha boqortooyada

Boqorka Sacuudi Carabiya ayaa is baddel ku sameeyay qaabka is dhaxalka ee boqortooyada iyo welibo jagooyinka dowladda.

Boqor Salman Bin Cabdulcaziz, ayaa xilka ka qaaday ninka lahaa dhaxalka boqortooyada isla markaana ah walaalkiis, Muqrin Bin Cabdulcasiis.

Waxaa uu xilkaasi u magacaabay wiilka uu adeerka u yahay ee Maxamad Bin Nayf Bin Cabdulcasiis.

Waxaa uu sidoo kale wiilkiisa, Maxammad Bin Salman, u magacaabay ku xigeenka ninka leh dhaxalka boqortooyada.

Wasiirka arrimaha dibedda waxaa loo magacaabay, Caadil Al-Jubeyr, oo aan ka tirsanayn qoyska boqortooyada, kaddib markii uu is casilay Sacuud Al-Faysal.

Boqorka cusub ee Sacuudiga ayaa is baddel ku sameynayay maammulkii uu dhisay ninkii ka horreeyay ee Cabdalla Bin Cabdulcasiis, oo geeriyooday dabayaaqadii bishii January ee sanadkan.