Nigeria oo badbaadisay dad badan

Lahaanshaha sawirka Nigeria Army

Militeriga Nigeria ayaa sheegaya in howlgalka ka socda waqooyi bari dalka lagu soo badbaadiyay dad badan oo ay Boko Xaraam haysteen.

Horaantii todobaadkan ayey sheegeen in la sii daayay ku dhawaad 300 oo haween, gabdho iyo caruur markii la burburiyay dhowr xero oo ku yaal kenyta Sambisa oo saldhig muddo dheer u aheyd kooxda jihaad doonka.

Ciidamada Nigeria ayaa sheegaya in ay badbaadiyeen haween iyo gabdho ay qafaasheen mintidiinta, Boko Xaraam, iyaga oo ciidamada ay sii wadaan howlgal milatari oo balaaran oo ka dhan ah kooxdaasi.

Afhayeenka ciidamada dowladda Usman Kuka Sheka, ayaa u sheegay BBC-da in ay ka soo badbaadiyeen in kabadan 160 haween iyo caruur keynta Sambisa.

Hal askari iyo qof lahaysta ahaa ayaa dhintay. Qaar ka mid ah haweenka ayaa lagu soo waramayaa in kooxda Boko Xaraam ay tababareen oo ay rasaas oodda kaga qaadeen ciidamada oo isku dayayay in ay soo badbaadiyaan.