Tuug xaday dahab oo muus la cunsiiyay.

Anil Yadav oo la xiray galinkii dambe Isniintii ayaa loo haystaa inuu dafay silsilad dahab ah oo haweenku xirtaan.

Ninka oo u dhashay India oo liqay silsiladda dahabka ayaa la cunsiiyay muus iyo dareero gaar ah si looga soo saaro dahabka.

Booliska ayaa cayrsi ku qabtay ninkan oo silsiladda uu dafay lagu qiimeeyay 995 doolar.

Raajo gaar ah oo la saaray jirkiisa ayaa soo bandhigtay in silsiladda oo ku istaagtay dhuuntiisa ay haatan gaartay caloosha.

Mr. Yadav oo 30 jir ah ayaa ka dafay silsiladda culeyskeedu yahay 25g haweeney 52 jir ah, oo ka soo baxday gurigeeda magaalada Mumbai isniintii, sida uu BBC-da u sheegay Rahul Pawar oo booliska ka tirsan.

"Kaddib markii ay haweeneydu qeylisay ayey boolis ilaalo ahaa iyo dadweynaha ay cayrsadeen ninka iyagoo qabtay" ayuu yiri Pawar.

Tani ma ahan markii ugu horeysay tuug la cunsiiyo muus, iyadoo ay boolisku sheegeen in sanadkii 2007-dii ay ka dhaceen bariga Hindiya dhacdooyin tan la mid ah oo looga soo saaray silsilad dahab.

Sanadkii tagayana booliska Mumbai ayaa nin cunsiiiyay 36 muus si looga soo saaro wax uu xaday.

Dhakhatiirta waxay sheegeen inuusan muusku jilcin karin caloosha balse uu soo saari karo saxaro badan.