Dad ku dhintay duqeynta cirka ee Xalab

Lahaanshaha sawirka Reuters

Tirada dadkii ku dhintay duqeyntii cirka ee xulafada Mareykanku horkacayo ay ku garaaceen gobolka woqooyiga Suuriya ee Xalab ayaa 50 qof kor u dhaaftay

Wararka ku saabsan weerarkan dhanka cirka ah ayaa soo baxay jimcihii.

Waloow hadda ay si cad u soo baxayaan saameynta uu geystay.

Haddii ay dhab tahay tirada dhimashada ee laga soo sheegayo deegaankaasi, waxaa dhintay in ka badan 50-qof oo rayid ah, qaar kalana waxa ay ku xaniban yihiin burburka dhismayaasha.

Isbahaysiga uu horkacayo Maraykanka ayaan ilaa hadda wax jawaab ah ka bixin wararkan.

Waloow diyaaradahooda lagu yaqaano in ay bartilmaameedsadaan ciidamada daacada u ah kooxda Daacish ee dhawaanahan gobalkaasi jooga.

Tuulada duqeynta ay ka dhacday ayaa u dhow afafka hore ay joogaan kooxdaasi oo ah halka uu dagaalka kula dhex marayo ciidamada Kurdiyiinta iyo garabyada kale ee falaagada ah oo ay iska soo horjeedaan.