Nepol oo kaalmo dalbatay

Lahaanshaha sawirka afpgetty
Image caption dad badbaaday

Dawladda Nepal waxa ay dalalka caalamka ka dalbatay in ay u soo diraan diyaaradaha qumaatiga u kaca oo dheeraad ah, kaddib dhulgariirkii dhibaatada badan gaystay ee ka dhacay sabtidii.

Dawladdu waxa ay sheegtay in diyaaradahaasi qumaatiga u kaca ay yihiin sida kali ah ee lagu gaadhsiinkaro gargaar, dadka ku sugan buuraha fogfog. Iyo sida kali ah ee dad lagu soo badbaadin karo.

Dadka ku nool tuulooyinka u dhawaa halka uu ka dhacay dhul gariirkana waxa ay sheegayaan in aysan helin wax gargaar ah, ku dhawaad isbuuc, dhulgariirka kaddib.

In kabadan 6200-oo qof ayaa ilaa hadda la ogayahay in ay ku dhinteen dhulgariirka.