Feerka Qarniga oo goor dhaw la dheeli doono

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Floyd Mayweather iyo Manny Pacquiao

Floyd Mayweather iyo Manny Pacquiao ayaa saacado kaddib waxa ay ku kulmi doonaan ciyaar feer ah oo ka dhici doonta magaalada Las Vegas ee waddanka Mareykanka.

Kumanaan qof ayaa ciyaartaasi garoonka ku daawan doona, halka dunida oo dhan si toos ah TV-yada looga daawan doono.

Shalay ayaa labadan feeryahan waxa ay fuuleen miisaan lagu qiyaasayo culayskooda, ka hor ciyaarta feerka ee loo bixiyey dagaalkii qarniga.

Labadan feeryahan ayaa sida uu dhaqanku yahay ciyaarta feerka ka hor isa soo hor istaagay, iyadoo ilaa 10,000 oo qof ay u soo daawasho tagteen si ay u arkaan labada qof.

Garoonka ay ka dhacday xafladda miisaanka ayaa lacagta lagu soo galayay waxa ay aheyd 10 doolar, balse markii dambe suuqa madow ayaa waxaa lagu kala siisanayay ilaa iyo 800 oo doolar.

3 ciyaarood oo ah feer heer caalami ah ayaa loo tartami doonaa arooryada hore ee maanta.

Labada nin ee Mayweather iyo Pacquiao waxay u tartami doonaan in ay ku guulaystaan adduun lacageed oo gaaraya 300 oo milyan oo doolarka Mareykanka ah oo dhex taalla.

Feerkan ayaa waxaa la filayaa inay ka soo xarooto lacag dhan 400 oo milyan oo doolarka Mareykanka ah.