Boqolaal Yaziidiyiin ah oo la dilay

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Yaziidiyiin baaraya raadka wixii ka haray qaraabadooda oo la la'yahay

Saraakiisha Ciraaq waxay sheegeen in mintidiinta Khilaafada Islaamiga ay dileen boqolaal qof oo ay ka soo qabteen qowmiyadda laga tirada badan yahay ee Yaziidiyiinta, ee waqooyiga waddanka.

Madaxweyne ku xigeenka Ciraaq, Cusaama al-Nujiifi ayaa cambaareeyey dilka oo uu ku tilmaamay mid naxdin leh oo waxashnimo ah.

Ilo wareedyo laga helayo Yaziidiyiinta waxay sheegayaan in ilaa 300 oo qof lagu dilay degmo galbeedka kaga beegan magaalada Mosul Jimcihii.

Iyadoo xoogagga Khilaafada Islaamiga ay cagta mariyeen waqooyiga Ciraaq muddo laga joogo ku dhawaad sannad ka hor, ayey dileen oo ganactana ku dhigeen dadka Yaziidiyiinta, iyagoo dumar badanna ku khasbay addoonsi dhanka galmada ah.

Mintidiinta ayaa u haysta in Yaziidiyiintu yihiin dad Alle ka furtay.