Gabar ayaa reer Boqorka UK u dhalatay

Lahaanshaha sawirka PA

Amiir William iyo xaaskiisa Catherine ayaa caalamka u soo bandhigay gabadhooda cusub ee maanta u dhalatay. Waxay caawa soo istaageen iyaga oo xambaarsan gabadhooda banaanka hore ee isbitaalka St Mary's ee London.

Xaaska Amiir William ayaa saaka gabadha ku dhashay isbitaal ku yaal London.

Gabadha dhalatay ayaa waxay noqon doontaa qofka afraad ee sugaya dhaxalka boqortooyada Britain.

Sida lagu sheegay hadal qoraal ah, waxaa Kate ay dhashay ilmaha saacaddu markay ahayd 08:34 wakhtiga London, waxaana culeyskeedu ahaa 3.7kg.

Amiir William ayaa goob joog ahaa xilliga ay foolanaysay xaaskiisa Catherine, waxaana warkaasi ka soo baxay aqalka qasriga Kensington lagu sheegay inay labadooduba caafimaad qabaan.

Horey ayaa Catherine loo geeyay isbitaalkan oo ay bishii July ee sanadkii 2013 ku dhashay wiilkeedi ugu horreeyay oo ah Amiir George.

Warka waxaa lagu sheegay in boqorada Britain Elizabeth II iyo ninkeeda, Amiir Harry iyo xubnaha kale ee qoyska reer boqor lagu wargeliyay gabadha ku soo biirtay qoyska, isla markaana ay ku faraxsan yihiin.