Mayweather oo dhibco kaga badiyay Pacquiao

Image caption Floyd Mayweather oo ku guulaystay ciyaartii feerka qarniga

Feeryahanka Ameerikaanka ah ee Floyd Mayweather ayaa ku guulaystay cayaarihii feerka ee muddo tobanaan sannadood ah la sugayey.

Mayweather wuxuu kaga guulaystay ninkii reer Filibiin ee ay is hayeen Manny Pacquiao, go'aan loo dhan yahay oo ay garsoorayaashu gaareen.

Ku dhowaad 17,000 oo qof ayaa dagaalkaas ku daawaday MGM Grand Garden Arena oo ah halka uu feerku ka dhacayey ee magaalada Las Vegas.

Ilaa 3 Malyan oo qof oo dunida kala jooga ayaa feerkaas kala socday TV-yada lacagta lagu daawado.

Tikidho badan oo lagu galayey feerka ayaa dib loogu sii iibiyey tobanaan kun oo Doollar.