Batariyo dab siin kara guryaha

Shirkadda gawaarida sameysa Mareykanka ee Tesla ayaa shaaca ka qaaday batariyo dab siin kara guryaha iyo ganacsiga taasi oo qeyb ka ah isku daygeeda ay ku fidineyso ganacsigeeda baabuurta.

Madaxa shirkadda, Elon Muska, ayaa ku dhawaaqay in shirkadda ay sameyneso batariyo keydiya tamarta qoraxda, una noqda macaamiisha kuwo ay isticmaalaan marka uu dabku ka tago.

Shirkadda Tesla ayuu qorshaheedu yahay in ay u dirto xagaagan Mareykanka.

Dhacdo aad loo sugayay oo ka dhacday meel u dhow Los Ageles, ayuu Mr Masuk ka sheegay in tallaabadan ay gacan ka geysaneyso dhismaha quwadda korontada dunida.