Isra'iil: Dagaalkii Gaza

Lahaanshaha sawirka AFP

Cadeymo ay ka soo ururisay in ka badan lixdan askarta Isra'iil koox xuquuqda aadanaha oo Isra'iil ah, ayaa keenay su'aalo ku saabsan hab dhaqankii ciidamada intii uu socday dagaalkii Gaza.

Kooxdani oo lagu magacaabo 'Breaking the Silence' ayey ku qaadatay sideed bilood in ay ururiyaan cadeymaha askartii ka qayb qaadatay dagaalkaasi, oo kooxdani ay sheegtay in markhaatiyada ay bixinayaan ay ka duwan tahay sheegashada dowladda Isra'iil ee ah in ay sameysay, wax kasta oo karaan keeda ah oo lagu yareynayo dhibaato soo gaarta dadka rayidka ah.

Warbixinta askarta la soo xigtay ayaa sheegeysa in mararka qaar ay jabinayeen amaba ay ka leexanayeen shuruucdooda shaqo.

Milatariga Isra'iil ayaa sheegaya in kooxdani baaritaanka sameysay ay diiday in ay la wadaagto macluumaadka ay soo heshay, arrintaasina ay adkaysay in ay ka bixiyaan jawaab quman.