Booliska oo xabado nool adeegsaday

Lahaanshaha sawirka AP

Booliska ayaa xabado nool u adeegsaday dibadbaxayaal caasimadda Burundi ee Bujumbura iyagoo halkaasi ku dilay dhowr ruux.

Dibadbaxayaasha ayaa adeegsaday bambooyin, waxayna ka cabanayeen go'aanka madaxweyne Pierre Nkurunziza uu markii sadaxaad u istaagayo doorashada madaxweynenimo.

Ugu yaraan labo boolis ah ayaa ku dhaawacmay. Kumanaan dad ah ayaa isugu soo baxay maanta wadooyinka kadib markii dibadbaxu uu bilowday labo maalmood oo hakad ah .

Wariyaha BBC-da oo jooga Musage ayaa sheegaya inay jiraan dibadbaxayaal ilaa inta ay ishu qabato.

Lix ruux ayaa ku geeriyooday dibadbaxyadii todobaadkii tagay.