Dhaqanka Isra'iil ee Yahuudda Itoobiya

Madaxweynaha Isra'iil, Reuven Rivlin, ayaa sheegay in ay dhaceen khaladaad ku saabsan sidii Isra'iil ay ula dhaqantay Yahuudda Itoobiya.

Isagoo ka hadlayay kadib dibadbaxyo rabshado watay oo ka dhacay Tel Aviv, ayuu Rivlin sheegay in dhaawac muuqda lagu soo bandhigay bulshada Isra'iil balse aysan rabshado xal u noqoneynin.

In ka badan 50 ruux ayaa ku dhaawacmay isku dhacyadii axadda iyadoo booliskuna ay adeegsadeen sunta dadka ka ilmeysiisa iyo bambooyinka dadka sasiya si ay u kala eryaan boqolaal dibadbaxayaal ah.

Ra'iisul wasaaraha Isra'iil, Benjamin Netanyahu, ayaa lagu wadaa inuu kulan la yeesho Itoobiyaanka Isra'iil. Wuxuuna ugu baaqay daganaasho.

Dibadbaxyada ayaa ka dambeeyay kadib markii uu soo baxay todobaadkii tagay muuqaal askari Isra'iiliyiinta Itoobiya ah oo aan sidan dharka ciidamada oo ay boolisku garaacayaan.