Labo nin oo lagu dilay gobolka Texas

Lahaanshaha sawirka REUTERS

Booliska ayaa toogasho ku dilay labo dabley ah gobolka Texas ee Mareykanka kaddib markii ay xabado ku fureen dibadda xarun bulsho oo lagu qabanayay tartan la xiriira sawir gacmeedyo laga sameeyay Nabi Muxamed (NNKH).

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ku dhawaad labaatan xabadood la riday. Waxaana ku dhaawacmay nin ilaalo ahaa.

Booliska ayaa xiray dhismaha iyadoo kuwa ka qeybgalayay munaasabadda la geeyay iskuul u dhaw halkaas.

Tartanka oo lagu qabtay duleedka Dallas waxaa soo qabanqaabiyay urur Mareykan oo difaaca xorriyadda oo fadhiguusu yahay New York, kaasi oo aad u dhaliila Islaamka.

Siyaasiga garabka midig ee fog ee u dhashay Netherland, Geert Wilders, ayaa ka mid ahaa ka qeybgalayaasha.