Qaramada Midoobe oo baaq u jeedisay Sacuudiga

Lahaanshaha sawirka European Photopress Agency

Qaramada midoobe ayaa baaq xooggan u jeedisay Sacuudi Carabiya, waxayna doonaysaa in xulufada uu hoggaaminayo Sacuudiga ay joojiyaan duqeynta garoonka diyaaradaha ee Sanca ee dalka Yemen.

Isku dubaha gargaarka bani’aadanimo ee Qaramada Midoobe Johannes Van Der Klaauw ayaa sheegay in garoonka uu muhiim u yahay hawlaha gargaarka iyadoo ay ku dagaan buu yiri diyaarada sida gargaarka sida aadka ah loogu baahanyahay.

Waxa uu sheegay in burbur xooggan uu soo gaaray garoonka oo ay adagtahay in ay diyaaraduhu caga dhigtaan ilaa laga dayactirayo.

Sacuudi Carabiya ayaa waxa ay sheegtay in ay ka fikirayso in ay joojiso duqeynta meelo ka mid ah Yemen, si loo suurtageliyo in gargaarka la gaarsiiyo meelaha looga baahanyahay.