Nin 50 sano ka hor xabsi ka baxsaday oo la qabtay

Frank Freshwaters Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Frank Freshwaters 50 sano ka badan ayuu baxsad ahaa

Dadlka Maraykanka nin dambi dil ah lagu helay oo la xukumay 50 sano ka hor, oo xilligaasi xabsiga ka baxsaday, ayaa haatan la soo qabtay.

Frank Freshwaters, oo 79 jir ah, ayaa muddo kooban ku xirnaa xabsi ku yaalla gobolka Florida ka hor inta uusan baxsan.

Waxaa la ogaaday in ugu yaraan muddo 20 sano ah uu adeegsanayay magac aan kiisa ahayn.

Mas'uuliyiinta magaalada Brevard ayaa sheegay in ninkani ay u dhigeen shirqool ah inuu saxiixo warqado, si ay u helaan sawirka farahiisa.

Markii la ogaaday inuu isaga yahay ninka la raadinayay ayaa waxaa loo soo bandhigay sawirkii looga qaaday xabsiga 50 sano ka hor. Waxaa uu yiri "waad i garateen," markii uu arkay sawirkiisa.

Waxaa lagu helay dambi ah inuu gaari ku dhuftay oo uu dilay qof waddada marayay, waxaana lagu xukumay 20 sano oo xarig ah.