Salman Khan oo 5 sano lagu xukumay

Lahaanshaha sawirka Youtube

Mid ka mid ah jilayaasha ugu caansan aflaamta Hindiya, Salman Khan, ayaa lagu xukumay shan sano kadib markii lagu helay dambi ah inuu gaari isagoo cabsan ku dilay nin darbi jiif ahaa.

Salman Khan oo 49 jir ah, kana tirsan xidigaha Bollywood, waxaa lagu eedeeyay inuu jiirsiiyay gaarigiisa tiro dad ah oo hurdayay wadada dhinaceeda magaalada Mumbai sanadkii 2002-dii.

Mid ka mid ah dadkaasi, Nuur Ullah Khan, ayaa geeriyooday.

Khan ayaa sheegay in darawalkiisa uu eedda lahaa, balse dhowr goobjooge ayaa sheegay in jilaaga uu waday gaariga, kana cararay goobta markii shilku dhacay. Xukunkan ayaa racfaan laga qaadan karaa.