Xal loo helay xukuumad u dhisida Israel

Lahaanshaha sawirka EPA

Rai'sal wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa gaaray heshiis lagu dhisayo xukuumad wadaag ah, wax yar uun kahor inta aan la dhaafin wakhtigii kama dambaysta ahaa ee loo qabtay.

Heshiiska uu la galay xisbiga garab midig ee Jewish Home Party ayaa u suurta galiyay in uu si dirqi ah aqlabiyad ku noqdo.

Waxa uuna haystaa 61 xubnood oo ka mid ah 120 xubnood ee baarlamaanka.

Xisbiga Jewish Home oo u ol'oleeya in la sii balaariyo dhulka lahaysto ee Falastiiniyiinta ayaa helay wasiirka cadaaladda ee awoodda badan.

Dawladdan wadaaga ah waxaa kale oo ku jira kuwa bahwadaagta la ah Otorodhokiska Xagjirka ah.

Isaga oo ka hadlaya shir jaraaid Netanyahu waxa uu sheegay in aad looga shaqeeyay samaynta is bahaysaigan.