Daalibaan oo la dagaalameysa ciidanka Afganistan

Ciidamada Afganistan ayaa weerar weyn oo rogaal celis ah kaga hortagay Daalibaan magaalada Kunduz ee waqooyi bari wadanka.

Wariyaha BBC-da ee magaalada ayaa sheegaya in magaalada laga jaray wadooyinka, ayna tobonaan kun oo dad aha ku barokaceen dhowr maalmood oo dagaal xooggan oo ka dhacay bartamaha magaalada Kunduz.

Guddoomiyaha gobalka, Muxamed Cumar Safi ayaa sheegay in jihaad doonka Ururka Dowladda Islaamka ay ka barbar dagaalamayaan Daalibaan.

Meydadka ugu yaraan 18 dagaalamayaal shisheeye oo dagaalka lagu dilay ayaa la arkay oo ay labo haween yihiin.