Malaayiin u dareeraya doorashada UK

Dawning Street Lahaanshaha sawirka g
Image caption Hoggaamiyaha xisbiga hela tirada ugu badan ee xubnaha baarlamaanka ayaa ra'iisalwasaare noqon doono.

Dalka Britain malaayiin ayaa u dareeraya doorashada guud ee dalkaasi, iyada oo cidbixintu ay billaabaneyso 7-da aroornimo ee Britain oo ku beegan 9 barqanimo ee saacadda geeska Afrika.

In ay codkooda dhiibtaan Waxaa isu diiwaan galiyay kontan milyan oo ruux

Codbixintana waxaa la soo xidhi doonnaa 9-ka fiidnimo ee khamiista.

Tartan-ka ayaa lagu go'aamin doono cidda maamuli doonta Xafiiska Ri'sal wasaaraha iyo hogaaminta waddankaasi shanta sano ee soo socota.

Sidaa unbay soo ahaan jirtay, balse hadda, waxaa jirta in aan si buuxda loo saadaalin karin natiijadda doorashada iyo cidda noqonaysa Rai'sal wasaare.