UK oo loo dareeray goobaha codeynta

Lahaanshaha sawirka

Kaddib lix toddobaad oo ay socdeen olole iyo dood, ayaa dadka waxay codkooda ka dhiibanayaan ilaa 50,000 oo goobo codka lagu bixinaya ah.

Goobaha codbixinta, ayaa la xirayaa 10-ka marka ay u tahay dalka UK ama saqda dhexe ee bariga Afrika, waxaana la fillayaa in natiijada lagu dhawaaqo galabta jimcaha.

Doorashadan guud, ayaa loogu tartamayaa in ka badan 9,000 oo kuraasta dowladaha hoose ee dhamaan 279-ka maamul degmo.

Duqa magaalada, ayaa sidoo kale laga dooran doonaa magaalada Bedford, Copeland, Leicester, Mansfield, Middlesbrough iyo Torbay.

Xisbiyada UKIP ee Nigel Farage, Labour ee Ed Miliband, xisbiga Green-ka Natalie Bennett, xisbiga SNP ee Nicola Sturgeon, xisbiga muxaafidka ee David Cameron, kan Liberal-ka ee Nick Clegg iyo xisbiga Plaid Cymru ee Leanne Wood ayaa cododokooda dhiibtay.

Waqooyiga Ireland, waxaa cododkooda dhiibtay hoggaamiyayaasha xisbiga DUP ee Peter Robinson iyo xisbiga Sinn Fein ee Martin McGuinness, ee waqooyiga Ireland ayaa iyaguna codeeyay.

Waxaa sidoo kale codeeyay hoggaamiyayaasha xisbiyada SDLP ee Alasdair McDonnell, Alliance ee David Ford iyo hoggaamiyaha xisbiga Ulster Unionist ee Mike Nesbitt.

Dhisidda dowladda soo socoto, ayaa ku xiran xisbiga ama isbahaysiga hela inta badan cododka.

In la tabiyo doorashada, ayaa la xadiday taasi oo BBC-da aysan baahin karin wax saameyn ku yeelan kara cod bixiyayaasha ilaa inta ay dhamaaneyso codeynta.