Cameron: Waxaan xoojin doonnaa Britain

Xisbiga Conservative ayaa ku guuleystay aqlabiyad doorashada guud ee ka dhacday dalka UK.

Raiisul Wasaare David Cameron oo hadlayay kadib markii uu guuleystay ayaa sheegay in uu hoggaamin doono hal waddan, isla markaana uu sameyn doono Britain xooggan.

Mr Cameron ayaa u sheegay qaar ka mid ah taageerayaasha xisbigiisa Muxaafidka in guushan ay tahay tii ugu wanaagsaneyd ee muddo dheer soo marta.

Xisbiga ugu weyn mucaaradka ee Labour ayaa lumiyay kuraas badan gaar ahaan Scotland oo ay wada qaateen xisbiga SNP.

Hoggaamiyaha Xisbiga Shaqaalaha UK, Ed Miliband ayaa is casilay kaddib markii xisbigiisu ku guuleysan waayay doorashada UK.

Waxaa kale oo is casilay hoggaamiyeyaasha xisbiyada Liberal Democrats, Nick Clegg iyo UKIP Nigel Farage.

Xisbiyada ayaa kuraasta baarlamaanka u kala helay sidan: Conservative 331, Labour 232, SNP 56, Liberal Democrats 8, DUP 8 iyo Kuwa kale 15

Lahaanshaha sawirka BBC World Service