Maxaabiis ku dhimatay Ciraaq

Lahaanshaha sawirka n

Ugu yaraan 30 maxbuus iyo 10 askari oo ilaalo ka aheyd xabsi ku yaall waddanka Ciraaq ayaa dhintay, halka in ka badan 50 maxbuusna ay baxsadeen.

Warar iskhilaafsan ayaa waxa ay ka soo baxayaan sida ay wax uga dhaceen xarunta Al Khaalis ee ku taalla waqooyi bari magaalada caasimadda ah ee Baqdaad.

Saraakiisha ayaa sheegaya in xilliga ay maxaabiistu baxsanayeen uu xabsiga ka socday qalalaase, iyaagoo isku dayay in ay qabsadaan hub kaddibna ay u suuragashay inay jabsadaan xabsiga.

Hasayeeshee warar kale oo laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in baxsiga maxaabiista ay timid kaddib markii ay maleeshiyo ka tirsan kooxda Dowladda Islaamiga ah ay weerrareen xabsiga, weerarkaasi oo ay ku doonayeen inay ku soo daayaan asxaab halkaa looga haystay.