Liberia oo laga suuliyay cudurka Ebola

Lahaanshaha sawirka AFP

Hey'adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ku dhawaaqday maanta in cudurka Ebola laga suuliyay dalka Liberia, iyada oo xaqiijisay in aan qofna lagu arkin cudurkaasi Afartan iyo Laba maalmood.

Madaxweynaha Liberia, Ellen Johnson Sirleaf, ayaa sheegtay in Liberia ay ka gudubtay dhibaatadaasi, isla markaana ay u dabaaldegayaan dadaalka mideysan ee lagula dagaallamay cudurka Ebola.

Liberia ayaa cudurka laga helay sanad ka hor markii uu ka soo gala dhinaca dalka deriska la ah ee Guinea. Cudurka ayaa waxa u dhintay in ka badan Kow iyo Toban Kun oo qof dalalka ku yaal Galbeedka Afrika, waxaana weli uu ka jiraa cudurku Guinea iyo Sierra Leone.

Hey'adda caafimaadka WHO ayaa waxa lagu dhaleeceeyay inay iska indha tirtay digniino ku saabsanaa halista cudurka iyo inay si deg deg ah wax uga qaban.