Ruushka oo xusaya 70 sano ka hor

Lahaanshaha sawirka Reuters

Dowladda Ruushka ayaa ciidamadeeda milateriga waxa ay ku soo bandhigtay barxad ballaaran oo ku taalla Fagaaraha Cas ee Moscow si ay u maamuusto 70 sano guuradii ka soo wareegatay guushii ay dagaalkii labaad ee Adduunka ka gaareen dowladdii Naasiga ee Jarmalka.

Inta badan hogaamiyayaasha reer galbeedka ma aanay ka qeyb galin munaasabaddaasi iyagoo muujinaya sida ay uga cabanayaan doorka uu Ruushku ku leeyahay colaadda Ukraine.

Marti sharafta ugu weyn ee munaasabadda ayaa waxa uu ahaa madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping.

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa waxa uu kalmado xushmo iyo tacsi ah u diray dalalkii xulafada kula ahaa dagaalka xilligaasi ee Yurub iyo bariga fog.

Hasayeeshee waxa uu sheegay in 10-kii sano ee la soo dhaafay la dayacay mabaadii'da asaasiga ah ee iskaashiga caalamiga ah.

Sidoo kale waxa uu ammaanay halyeeyada Ruushka iyo ciidammada haatan ee dalka.