Cuba oo Pope Francis u mahadcelisay

Lahaanshaha sawirka AFP

Pope Francis oo kaalin muhiim ah ka cayaaray dib u soo celinta xiriirka Cuba iyo Maraykanka ayaa Vaticanka kula kulmay madaxweyne Raul Castro.

Kulanka ka dib, Mr Castro wuxuu sheegay in uu pope-ka uga mahadceliyey hawshii uu qabtay. Pope Francis ayaa booqan doona Cuba September.

Wadahadallo qarsoodi ah oo u dhaxeeyey ayaa horseeday heshiis la yaab leh oo lagu soo afjaray in ka badan 50 sano oo la kala taagnaa.

Kulanka pope-ku la yeeshay madaxweyne Castro ayaa qaatay ku dhawaad muddo saacad ah.

Wariyayaashu waxa ay ku sheegeen wakhti wanaagsan oo xushmadi la socotay.

Baadarigu in uu qof qaabilo axada waa xushmad aad u wayn.