Maamulka Ruushka oo eedeeyay Obama

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Ruushka waxa uu soo bandhigay awoodiisa ciidan

Madaxweynaha dalka Ruushka, Vladimir Putin, ayaa sheegay in xiriirka iyo wadashaqeynta caalamka ay halis gashay sanadihii u dambeeyay.

Asigoo ka hadlaayay, munaasabad lagu xusaayay 70ka sano ee laga joogo markii Ruushka uu ka adkaaday Nazigii Jarmalka, ayaa Mr Putin waxa uu tilmaamay inuu isku deyay inuu sameeyo wax uu ugu yeeray duni aan iska soo horjeedin oo xasilloon.

Intabadan hogaamiyayaasha reer galbeedka, ayaan ka qeybgalin munaasabadda, taas oo ay sabab uga dhigeen doorka Ruushka uu ku leeyahay colaadda Ukraine.

Andrei Klimov, oo ah ku xigeenka gudoomiyaha guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka Ruushka, ayaa waxa uu cambaareeyay go’aanka madaxweyne Obama, ee ah inuusan ka qeybgalin dabaadegga.

"Madaxweyne Obama, qalad weyn ayey ku ahayd. Waxa uu muujin lahaa inuu yahay madaxweyne caadi ah oo ku sugan duni caadi ah, laakiin maahan boqorka waxkastaa. Waana inuu xasuustii madaxweynayaashii ka horeeyay, dad aad muhiim u ahaa, kuwaas oo arkay maamulkii Stalin, oo ahaa kiligii talis." Ayuu yiri Mr Klimov.

Xilligii dagaalkii labaad ee dunida uu dhammaaday, dalalka reer galbeedka iyo Ruushka ayaa isku xulafo ahaa, waxayna dagaal kula jireen maamulkii Naziga ee Jarmalka.