Madaxweynihii hore ee Turkiga oo dhintay

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Kenan Evren ayaa sanadkii hore lagu xukumay xabsi daa'in

Madaxweynihii hore ee Turkiga, Kenan Evren, kaas oo ahaa ninkii hogaaminaayay afgenbi dhiig badan ku daatay oo dalkaasi ka dhacay 1980maadkii ayaa ku geeriyooday cisbitaal ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Ankara.

Wuxuu ahaa 97-sano jir. Sanadkii tagay ayaa lagu xukumay xabsi daa’in, taas oo sabab u ahayd ku lug lahaanshihiisa afgembigaasi militari.

Kenan Evren weligiis kamuusan shalaynin, doorkii uu ku lahaa afgembiga dadka badan ay ku dhinteen ee xilligan casriga ah ka dhacay Turkiga.

Xilligaasi oo xukunka ay xoog kula wareegen militeriga, 1980kii, waxaa ka dhashay, in 500 kun oo qof in la xiro, boqollaal lawaayay iyo boqollaal kale oo jirdil u dhimatay.

Waxaan waqtigaasi la mamnuucay dhammaan axsaabta siyaasadda, waxaa la xiray hogaaimayaashooda, waxaana si gaar ah loo bartilmaameedsanayay xisbigii dhaqdhaqaqa Kurdiyiinta ee Turkiga.

Laakiin waxaa jiray qeybo ka mid ah shacabka Turkiga oo afgembiga soo dhaweeyay, iyagoo aaminsanaa in xasilloonida dalkaasi ay soo celineyso.

Balse waxaa nicbaa qeybaha siyaasadda ee Turkiga. Afti dadweyne oo lagu badalaayay dastuurk oo ogolaanaayay in la dacweeyo hogaamiyayaasha nool ee afgembiga ka dambeeyay ayaa siweyn ay u taageereen shacabka, 2010kii.

Kenan Evren waxaa lagu yaqaanay cadaadinta, axsaabta bidixda u janjeera, Kurdiyiinta, wadaniyiinta, iyo Islaamiyiinta.

Marka loo eego xukunkiisii militariga, waxa uu ahaa qof muhiim ah illaa uu maamulkiisii dhammaaday, balse waxaa jiro dad badan oo aan ka murugoondoonin geeridiisa.